TikTok Oo Soo Saartay TikTok AI Alive – Qalab Cusub Oo Sawirada Loogu Beddelayo Muuqaal video Ah.

TikTok Oo Soo Saartay TikTok AI Alive – Qalab Cusub Oo Sawirada Loogu Beddelayo Muuqaal video Ah.

TikTok waxay Talaadadii ku dhawaaqday in ay bilaabayso muuqaalkeedii ugu horreeyay ee AI image-to-video ah. Qalabkan cusub oo la yiraahdo “TikTok AI Alive” wuxuu dadka u oggolaanayaa inay sawirro taagan (static photos) u beddelaan muuqaallo (videos) iyagoo ku jira gudaha TikTok Stories.

Astaantan cusub waxaa lagu heli karaa kaliya iyada oo la isticmaalayo TikTok Story Camera, waxayna adeegsataa AI si ay u abuurto muuqaallo gaagaaban oo leh dhaqdhaqaaq, saameyn jawi leh, iyo hal-abuur muuqaal ah, sida ay sheegtay TikTok.

Tusaale ahaan, haddii sawirkaagu muujinayo cirka, daruuraha, iyo badda — TikTok waxay sawirkaas u beddeli kartaa muuqaal uu cirka si tartiib ah u beddelanayo midabkiisa, daruuruhuna ay dhaqaaqayaan, iyadoo codka hirarka baddu la maqlayo. Ama waxaad sawir group-selfie ah ka dhigi kartaa muuqaal tilmaamaya dhaqdhaqaaqyada iyo muuqaallada wejiyada.

Soo bandhigista muuqaalka AI ee sawirka lagu beddelo video-ga ayaa imaanaysa sannado kadib markii TikTok ay horay u soo bandhigtay aalad ku jirta app-ka oo qoraal loogu beddelo sawir (text-to-image). Inkastoo Instagram iyo Snapchat ay iyaguna bixiyaan adeegyo AI text-to-image ah, TikTok hadda waxay tallaabo u qaaday dhinaca muuqaalka, iyadoo u oggolaanaysa dadka inay abuuraan muuqaallo ka yimaada sawirro. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Snapchat sheegtay inay dhawaan soo bandhigi doonto awoodda AI-da ee sawirka lagu beddelo video.

AI Alive Stories waxaa dusha laga saari doonaa calaamad muujinaysa in content-ka la sameeyay uu yahay mid AI-generated, si dadku u fahmaan asalka muuqaalka. Waxa kale oo lagu darin doonaa C2PA metadata, oo ah heer farsamo oo caalami ah kaas oo caawinaya in la ogaado in muuqaalku yahay mid AI abuuray — xitaa haddii laga soo dejiyo TikTok oo meel kale la geeyo.TikTok waxay ku sheegtay qoraal blog ah:”Had iyo jeer waxaan u dhisnaa Ai-ga si badbaado leh, taasina sidoo kale waxay khusaysaa hal-abuurkeenna AI. Maaddaama tignoolajiyadani u oggolaanayso dadku inay si cusub u muujiyaan hal-abuurkooda, waxay mari doontaa tallaabooyin dhowr ah oo lagu hubinayo kalsoonida iyo badbaadada bulshada.”Si looga hortago in la abuuro muuqaallo jebinaya siyaasadda TikTok, waxa la marsiin doonaa xogta sawirka, qoraalka codsiga AI, iyo muuqaalka AI Alive nidaam hubin ah oo lagu eegayo ka hor intaan loo bandhigin isticmaalaha.

Intaa kadib, markii la wadaago, hubin kale oo badbaado ayaa mar kale la sameyn doonaa.Haddii aad dooneyso inaad abuurto muuqaal AI Alive, fur Camera-da storyga adigoo taabanaya batoonka buluugga ah ee kor kaga yaalla bogga Inbox-ka ama Profile-ka. Halkaas waxaad ka dooran kartaa sawir Story Album-kaaga ku jiro, kadibna waxaad arki doontaa astaanta AI Alive ee dhinaca midig ee Toolbar-ka bogga tafatirka.

Xirfadshiil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xirfadshiil
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.